Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka oo gaaray Itoobiya

Published: January 12, 2023
Shares2

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ujeedka safarka wasiiradan ayaa ah si ay u taageeraan heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalladii labadii sano ee la soo dhaafay ka socday waqooyiga gobolka Tigray.

Annalena Baerbock oo ah wasiirada ka socotay dalka Jarmalka, ayaa sheegtay in iyaga iyo Itoobiya ay ka wadahadli doonaan baahida loo qabo nabad waarta, isla xisaabtan.

Sidoo wasiiradda ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadlayaan iskaashiga ballaaran ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Horseed Media