Wasiirrada arrimaha dibadda ee G7 ayaa cambaareeyay gantaallada ballistic-ga ah ee Iran ay u dhoofiso Ruushka

Published: September 14, 2024

Wasiirrada arrimaha dibadda ee kooxda todobada ah (G7) ee quwadaha ku horumaray warshadaha ayaa Sabtidii cambaareeyay “intii ugu adkeyd” dhoofinta Iran iyo soo iibinta Ruushka ee gantaalada ballistic-ga ee Iran.

Iran ayaa siisay Ruushka tiro badan oo ah gantaalada ballistic-ga ah ee awooda badan, taasoo sii xoojisay iskaashiga milatari ee labada dal, oo labaduba saaran cunaqabataynta Maraykanka.

“Iran waa in ay si degdeg ah u joojisaa dhammaan taageerada ay siiso Ruushka sharci-darrada ah iyo dagaalka aan loo meel dayin ee ka dhanka ah Ukraine, waana in ay joojisaa wareejinta gantaallada ballistic-ga ah, UAV-yada (Drones) iyo tignoolajiyada la xidhiidha, kuwaas oo khatar toos ah ku ah dadka Ukraine iyo sidoo kale ammaanka Yurub iyo kuwa caalamiga ahba si ballaaran.” “Wasiirada G7 ayaa bayaan ku yiri.

“Waxaan ku adkeysaneynaa sida ay nooga go’an tahay in aan Iran kula xisaabtano taageerada aan la aqbali karin ee Ruushka ee dagaalka sharci darrada ah ee Ukraine kaas oo sii wiiqaya ammaanka caalamka, iyadoo la raacayo odhaahdeennii hore ee arrintan, waxaan horayba uga jawaabnay tallaabooyin cusub oo muhiim ah.”

Talyaaniga ayaa hadda haya hoggaanka kooxda G7 ee hodonka ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Japan, Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada.

Horseed Media