Wasiirrada Maaliyadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo shir uga furmaya Sacuudiga

Published: May 10, 2023

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka ayaa halkaas uga qeyb gelaya Shir sanadeedka Wasiirrada Maaliyadda Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.

Dr. Cilmi ayaa la shirtagaya qorshaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Deyn cafinta, kor u qaadista dhaqaalaha Dalka, xoojinta ilaha Dakhliga uu kasoo galo Dalka iyo qodobo kale sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow Shirkaas.

Soomaaliya waxaa horyaalla shuruudaha la hordhigay si looga cafiyo deynta ku waqti dheeraatay, qaar kamid ah shuruudahaas waa ay kasoo gudubtay halka kuwa kale ay ku howlan tahay in ay ka gudubto caqabadahaas.

Wasiirka Maaliyadda Boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan martigeliyay ayaa daah-furka ka hadlaya muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Wasiirrada kala duwan ee kala metalaya waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Horseed Media