Wasiiru-Dowlaha Cusub Ee Madaxtooyada Soomaaliya Oo Xilka La Wareegay

Published: October 26, 2020

Wasiiru dowlaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan raysal wasaare Rooble u magacaabay xilkaas ayaa maanta kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Munasaabadda xil-wareejinta oo ka dhacday madaxtooyada ayaa waxaa goob-joog ahaa raysalwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Caadil Sheegow Sagaar iyo Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

 Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *