Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland oo geeriyooday

15 August, 2020

Waxaa maanta magaalada Garoowe ku geeriyoodey Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, sida ay Horseed u…

Waxaa maanta magaalada Garoowe ku geeriyoodey Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, sida ay Horseed u xaqiijiyeen ehelkiisu.

Maxamed Xassan Ciise ayaa horey uga shaqeyn jirey ururada samafalka, waxaana uu muddo dheer u shaqeynaayey hay’adda al-Manhal. Wuxuu siyaasadda ku sii biirey sanadkii 2019, kadib markii Madaxweynaha Puntland ku soo daray golaha wasiirada.

Sida heelka wasiirku Horseed u sheegay, waxa uu xanuunsanaa ilaa afar maalmood waxaana hayey neefta. Waa wasiirkii labaad ee Puntland ka geeriyooda sanadkan, waxaana horey u geeriyoodey Wasiirkii Deegaanka Ismaaciil Gama’diid.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *