Wasiiru dowlihii Qorshaynta Cabdirashiid Jire oo iscasilay

Published: November 3, 2024
by: Ali. Y

Wasiiru dowlihii wasaaradda qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa iska casilay xilkaasi, isagoo waraaqdiisa iscasilaada u gudbiyey Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cabdirashiid Jire ayaa waraaqdiisa iscasilaadda ku sheegay sababaha uu xilka uga tagey in ay qayb ka tahay dagaalka dowladda federaalka ku hayso dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

” Kadib markaan xaqiiqsaday in XFS ay go’aansatay in si gaar ah loo takooro qaar kamid ah DXDF (Puntland, Jubbaland iyo SSC) lana yiraahdo looma joojinayo, kuwaas oo ah dadka iyo deegaanada aan ugu fadhiyo kursiga xildhibaanimada, isla markaana aan ku matalo golaha fulinta, ayna ku hawlan tahay sidii deegaamadaas aan kor kusoo xusay looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed”

” Waxaan go’aansaday in maanta oo ay taariikhdu tahay 3da November 2024 inaan iska casilo xilkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxaana dadka aan matalo ugu shaqeyn doonaa xilkii ay iisoo wakiisheen ee Golaha Sharcidejinta, aniga oo mar walba danaha degaan doorashooyinka aan matalo ka hormarin doono middayda gaarka ah.” ayuu yiri; Cabdirashiid Jire.

Mudane Cabdirashiid oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka BFS ee laga soo doorto Jubaland ayaa iscasilaadiisu kusoo aadaysa xili maamulkaasi qaadacay doorashooyinka dowladda dhexe oo qorshaynayo in doorashadiisa uu gaar u qabsado.

Horseed Media