Tariikhda Soomaalida:
Noloshii dowlada la’aanta (Natural State).
Wakhtigii hore nolosha umaddeenu salkay ka fadhiday, macno waynna waxay ahayd qof dhulkiisa ku kalsoon, maalkiisa ku kalsoon, magaciisa ku kalsoon, salka ayaana laga fadhiyay, Somaalidii hore waxay lahayd dhaqan iyo xeer ay isku kala xadidaan, kii khalad gala ay ku qaadaan xeer dhaqameed, guurka, martisoorka, wada-deganaanshaha, kala qaan bixidda, kala saraynta dhaqanka (traditional elders), hadii colaad dhacdo sida heshiis loo gaarayo dhammaan arrimahaasi waxa ay la haayeen dhaqan iyo xeer beegti Soomaalida maankoodu ku duugnaa, waxaan ula jeedaa ma’ahayn xeerar dhaqameed qoran ee waxa uu ahaa waxa loo yahaan (unwriting traditional constitutions), taasna waxaan kala mid ahayn wadamada Africa ee jirey Qarnigii 19-aad iyo ka horba. Sidoo kale waxaa jira wadamo ilaa reer Galbeed ah iyo African ah oo weli ku dhaqma dastuur aan qornayn (unwriting traditional constitutions), waxaan ka muda Wadanka Ingriiska iyo Suudaan.
Maadaaba ay saas tahay waxaan soo qaadanaynaa Abwaan Siciid oo noloshaas hore maanso ku cabiraya ayaa ku hal qabsaday saaxiibkii Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib wuxuuna yiri:
- Janno gale jinsiga qaaliboow jaalahayow heedhe
- Taladaynu jeexjeexaynaa waa mid jiritaanne
- Bal jeedaali nolosheennu way kala janjeertaaye.
- Bakiin jananka joogaa markuu jiirka dabanaayay
- Ama jasadka doofaar jacbur ah Yurubtu jiidaysay
- Ee gaajo jinac loo dubtee juuca lala liitay
- Jabadkeennu qani buu ahaa loo jamiray maal
- Jinawgiyo karuurkaa ku jiray jaarka iyo dhiil e
Murtidan oo intan ka dheer ayuu abwaanku ku soo gunaanaday:
Dhulka Soomaaliya wuxuu weligiisba ahaa xarun dhexe oo maamusha ganacsiga qeybo badan oo dunida ka mid ah, Intasi waxaa dheer, waxaa deegaanka Soomaalidu ahayd mid wax soo saar leh; xaga beeraha, xoolaha iyo kheyraad kale oo dunida inteeda kale ka manaafacaadsato. Siday ay isku raaceen in badan oo taariikhyano ah, Geeska Afrika wuxuu xidhiidh la lahaa Boqortooyadii Faraaciyiinta wakhti imika laga joogo ilaa 3,000 sano, kuwaasi oo ganacsi toos ah la lahaa meelo badan oo ka mid tahay Saylac iyo Dhulka uduga (Puntland).
Soomaalida iyo Wakhtigii Gumaysiga (Somalia Colonialism).
Qabsashadii Ingiriisku uu qabsaday Hindiya iyo dhisiddii la dhisay marinka Suways 1869 ayaa ahmiyad iyo qiimo badan u sameeyey marin-xeebeedyadii ay Soomaalidu dagganayd. Dawladihii reer Yurub ee maal galiyey kannaalka oo ahaa Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa doonayey in ay marinnadiisana koontoroolaan. Si ay hadafkooda ugu guulaystaan ayay horayba u sii bilaabeen sahaminta mandiqadda geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu dagto.
Hadaba sanadkii 1884 tii shir ay gumaystayaashu ku qabteen magaalada Baarliin ee dalka Jarmarka ayaa waxaa ku jiray in Soomaaliya la qaybiyo sidaana lagu xukumo, waxaana la
hirgaliyay sanadkii 1897-dii. Kaasoo loo qeybiyay 5 meeloodoo kala ah:- Koofurta Soomaaliya ( kismaayo ilaa G/bari) in Talyaanigu qabsado. Waqooyi galbeed iyo N.F.D uu qabsado Ingiriiska Jabuutina Faransiiska. Dhulka howkana ee Soomaalida Galbeed uu qabsado Itoobiya.
Maalinta Madaxbanaanida Soomaaliya:- waa maalin qaran oo laga xusowadanka Soomaaliya,. Gobolada Waqooyi Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland ayaa 26 Juun 1960kii ka qaatay gumeeystihii Ingiriiska ee ka talin jirey British Somaliland. Maalmo yar ka dib, Koonfurta Soomaaliya ayaa madaxbanaanida ka qaadatey Italian Somaliland. Ugu dambeyn, 1-dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobey Goboladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo lagu aasaasay dowladii iyo maamulkii ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Gumaystihii kadib:-
madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1:dii Luuliyo sanadkii 1960 waxaa uu ahaa Alle ha u naxariistee aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967 waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay Madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke, bishii Luuliyo isla sanadkaas (1967). Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay ayaa toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.
Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyada oo wali lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Max’ed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya
Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,
Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii
Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse weli maka fakartay kii loo galay in dhidibada loo aaso, lana xajisto madaxbannaanidii la heley iyo ka shaqaysiinta nidaamka dowladnimo.
Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.
Lixdankii sanno ee ay Soomaaliya xornimada haysatay waxaa hayaanka geediga hadba caynaanka u dhuujinayay ama u dabcinayay dhacdooyin waaweyn, oo aan ka xusi karno lix saamayntooda kaliya aanan taariikhda ku xardhanayn ee sidoo kale yeeshay raadad aanan ka tirmi doonin nolosha jiilal badan.
1. Dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo Curashadii kacaanka
Sagaal sano oo kaliya ka dib xoriyaddii, markii ay Soomaaliya ku naaloonaysay xasilooni siyaasadeed oo ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah oo sanduuqa lagu kala boxo, waxaa dhacay wax lama filaan ah, kaas oo ah dilkii magaalada Laascaano loogu geystay madaxweynihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma’arke.
Qoraalka sawirka,
Cabdirashiid Cali Sharma’arke, madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ka dib xoriyaddii 1960-kii.
Hal tacshiirad oo ka dhacday gobolka Sool ayaa gilgishay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxayna afgembi u riddey xukunkii rayidka ahaa ee dalka ka jiray.
Axmed Cabdi Laangare wuxuu ahaa ku xigeenka duqa magaalada Laas Caanood xilliga madaxweynaha la dilayay 16-kii bishii October ee sannadkii 1969-kii, wuxuuna arkayay sidii ay wax u dhaceen.
Axmed waxa uu sheegay in ay horeyba ay usii jirtay hadal-haynta in madaxweynaha lagu dili karo Laascaanood, wuxuuna yiri: “Markii uu soo dagay, dadkii soo dhoweynayayna uu salaamay, markii odayaashii uu la kulmay, waxaa la weeydiiyay, ‘Cabdirishiidoow ma waxaa lagugu yiri Laascaanood baa lagugu dilayaa?’, wuxuuna ku jawaabay, ‘Illaahbaa wax dila, haddii ay taydii tahay, nin kalaa i badelaya”.
Axmed Laangare oo hadda nool ayaa sidoo kale sharaxay qaabkii uu dilka u dhacay, wuxuuna yiri: “Markii aan soo aadnay dhankii gurigii martida, askariga waxa uu taagnaa albaabka guriga, markii madaxweynaha uu gaariga ka soo dagay ayuu rasaasta ku furey. Askari madaxweynaha la socday ayaa qoriga kula dhagay, wuxuuna ninkii ku qeyliyay weey igaga fakatay, weey igaga fakatay”.
“Kaliya madaxweynaha lama dilin, ee sidoo kale waxa ay u egtahay in xitaa la tirtiray raadkii dambigii weynaa ee dhacay”, sida uu ku doodayo Dr Saadaq Eenoow oo qoraalo taariikheed ka sameeyay dilkii madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in saddex nin oo mid xeer illaaliyihii guud yahay, Garyaqaan Cabdi Faarax Baashane, nin booliis ah, Gaashaanle Xirsi Cusmaan Keenadiid iyo nin ka tirsanaa laantii dabagalka dambiyada xilligaas ee Gaashaanle Dhexe Faarax Sugule, in raggaas labo ka mid ah siyaabo kala duwan oo shaki leh ay u dhinteen, midna uu xabsiga ku raagay muddo dheer.
XIGASHADA SAWIRKA,SOMALI ARCHIVE
Qoraalka sawirka,
Maxamed Siyaad Bare
Koox saraakiil ciidan ah oo malaha eeganayay xukunka, ayaa ka faa’ideystay dilka qaarijinta ah, waxayna si aan dhiig ku daadan kula wareegeen hoggaankii dalka. Taas oo ahayd dhacdo kale oo ku sidkan dilka madaxweynaha, balse yeelatay raad muddo dheer sii jiraya oo saameeyay jiritaanka dalnimo ee Soomaaliya.
Hase yeeshee, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu “sii qorsheynayay afgembiga”, islamarkaana isaga qudhiisa ay arrintaas isku qabteen, ka dibna Baydhabo loo badeley si ciqaab ah.
- Shan arrimood oo aadan ka ogeyn 60-guurada xorriyaddii Soomaaliya
- Shan marxaladood oo uu soo maray calanka Soomaaliya
- Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare
Ciidamada oo ka mid ah tiirarka uu dal ku taagyahay, kuwaas oo ka difaacayay dhul, badda iyo hawadaba, ayaysan ciddina u qaadan in ‘dalka waddo qaldan ku hoggaamin doonaan’, sidaas daraadeedna waxay heleen taageero aad u xoog badan, iyada oo 10-kii sanno ee ugu horeeyey xukunka ciidanka uu ahaa mid hagaagsan intiisa badan, horumar culusna gaaray.
2. Qoristii Far-Soomaaliga
Mid ka mid ah guulihii ugu weynayd ee dhidibada u aastay dowladnimo Soomaaliyeed oo dhuuxa iyo xididada u dhaadhacday ayaa ahayd markii dowladdii kacaankii ay ku dhaqaaqday tallaabo horey loo arag oo ahayd in la qoro farta, laguna baahiyo dalka sannadkii 1974-tii.
XIGASHADA SAWIRKA,SOMALI ARCHIVE
Qoraalka sawirka,
Qaar ka mid ah guddigii qoray afka Soomaaliga
Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaalida. Mar aan sidaas u fogeyna dalka wuxuu ka noqday wasiirka waxbarashada, waxa uu BBC-da u sharxay muhiimadda qorista farta ay ku lahayd Qaranimada Soomaaliya.
“Wuxuu leeyahay faa’iido iyo qasaaro intuba. Haddii Af-Soomaaliga la qorey wuxuu keenay faa’iido badan oo ah in wax badan ay kaydsameen. Luuqadiina waa la cilmiyeeyay, Soomaalidana waxay ku faantaa ama tiraahdaa Afrikada Madoow marka la fiiriyo dhammaantood cid luuqadooda qoratay ma jirto, oo aan ka ahayn dalka aan dariska nahay ee Itoobiya iyo Soomaaliya”, ayuu yiri.
Qoraalka sawirka,
Waxyaabihii la sameeyay waxaa ka mid ahaa qaamuusyo ay ku qoran yihiin ereybixinta afka Soomaaliga.
“Balse su’aasha waxay tahay intee in la’eg baa loo tabaabushaystay, awood intee la’eg baa la haystay. Marka in aad soo saarto kumannaan arday oo aadan shaqo u haynin, meelihii kale ee ay shaqada ka raadsan lahaayeene aysan baran tacliintoodii waa dhib,” ayuu intaasi kusii daray.
3. Dagaalkii 1977 ee Itoobiya
Soomaalida waxay muddo dheer aaminsanayd in xornimada aysan dhamaystirmin, illaa ay jiraan gobollo Soomaaliyeed oo maqan, kuwaas oo ku hoos jirey dowlado kale, dareenkaas ayaa ugu dambeyntii horseeday in mid ka mid ah dagaaladii ugu waaweynaa ee Afrika soo maray uu dhex maro Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977.
Wixii ku bilowday dhaqdhaqaaq jabhad oo xornimo-u-dood ah oo markii dambe guulo la taaban karo soo hoyisay, wuxuuna isu badelay dagaal caalami ah oo ay ka qeybgaleen dowladdo badan oo ay ka midyihiin quwadihii markaas adduunka ugu xoogga badnaa.
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,
Ciidammo Soomaali ah oo 1977 ku qaadanaya tababar goob aan la cayimin oo ku taalla Soomaaliya xilli uu socday dagaalkii ay Soomaaliya kula jirtay Itoobiya.
Duulaankii Soomaaliya ay ku qaadday gobolka Ogaden (Soomaali Galbeed) wuxuu noqday dhaan-dabangaale la gaari waayay.
Balse taas oo kaliya ma aysan horseedin jabka sida uu qabo Cali Cabdulle Fiixiye (Cali Shucaac) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii jabhadda Soomaali Galbeed. “Ciidanka waxaa ku jiray rag inqilaab maleegayay,” ayuu yiri.
“Anagiibaa nala qabqabtay, madaxdeenii jabhadda Soomaali Galbeed. Ciidankii jabhadda ahaana waa la qeybiyay, reer-reer baa loo kala saaray, ciidanka xoogga laftiisii ayaa sii qeybsamay, dharbaaxo xun baa nagu dhacday. Xaggana xabashibaa na garaacaysay, dhanka kalena ciidankii xoogga dalka ayaa la jalaafaynayay”, ayuu hadalka ku sii daray.
“Niman aan raali ka ahayn in waddanka la qabto oo saraakiil Soomaali ah ayaa ragga leynayay, xirxirayay. Rasaas markaan weeydiisano biyo ayay na siinayeen, marka aan biyo weeydiisanana rasaas ayay inoo keenayeen”, Ayuu yiri Cali Shucaac.
- Shan arrimood oo aadan ka ogeyn 60-guurada xorriyaddii Soomaaliya
- Siduu ahaa dareenka dadkii u soo joogay habeenkii xorriyadda 60 sano ka hor
- Xaguu Soomaaliya ka soo galaa hubka sharci darrada ah?
Cali shucaac wuxuu sheegay in isaga iyo hoggaamiyeyaashii jabhadda lagu xirey xabsiga Labaatan Jiroow ee Baydhabo agtiisa ah, oo sidoo kale lala soo xirey odayaashii dhaqanka. Wuxuu intaas ku daray in sannad iyo badh ka dib ay ogaadeen in ciidankii Soomaaliya ay dib uga soo baxeen deegaankii balaarnaa ee ay dagaalka ku qabsadeen.
Dad badan ayaa ku doodaya in jabkii dagaalkaas ka dhashay uu markii dambe horseeday burburka dowladnimo ee Soomaaliya maadaamaa ay abuurmeen jabhaddo lid ku ah dowladdii dhexe.
4. Burburkii dowladda iyo Dagaaladii Sokeeye
Taariikhda markii ay ahayd 1988-dii waxaa qeybo ka mid ah dalka ka biloowday dagaalo ay soo qaadeen jabhaddo ka soo aasaasmay gudaha Itoobiya.
Xasaradaha waxa ay ku badnaayeen gobolada Waqooyi ee dalka, oo hadda ah Somaliland, halkaas oo markii ugu horeysay ay duqeeyeen diyaarado ka kacay gudaha dalka.
Jabhadihiis Waqooyiga waxay doonayeen in ay Soomaaliya ka go’aan oo dal gaar ah ay noqdaan. Waxaana taas barbarsocday jabhado kale oo dhanka Koonfurta ka dagaallamayay.
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Qoraalka sawirka,
Dhibaatada ka dhalatay dagaallada sokeeye ee Soomaaliya weli waxaa laga dareemayaan dhismeyaasha qaar ee ku yaalla Muqdisho.
Balse dhacdadii ugu weynayd ee xilliyadaas waxay ahayd markii madaxweynihii awoodda badnaa ee dowladdii militariga Maxamed Siyaad Barre uu caasimadda isaga baxay Bishii January, sannadkii 1991-dii, sidaasna ay ku burburtay dowladdii dhexe Soomaaliya.
Dad badan ayaa u dabaal dagay dhicitaanka dowladdii Siyaad Barre, balse Soomaalida waxay markaliya is aragtay iyada oo subax qura ka soo toostay banaan cidlo ah, oo usii dheeryihiin dagaalo sokeeye oo dhibaatooyiin badan sababay,
Dhacdadan waxa ay noqotay dhaawac aan bogsoonayn muddo dheer, waxayna qaadatay kala bar lixdanka sano ee laga joogo xoriyadda, madaxbanaanidii iyo qaranimadii loo soo halgamay ee Soomaaliya, taas oo illaa hadda boogaheeda la dhayayo.
Waxay qaadatay 15 shir oo dib u heshiisiineed illaa inta lagu guuleysanayay dowladdii ugu horeysay oo kumeelgaar ah oo meel ka mid ah dalka timid.
Sidoo kale, Somaliland ayaa Bishii May ee 1991, noqotay dowlad iskeed isu taagtay in kastoo weli aysan helin aqoonsi dhab ah.
5. Shirkii Carte
Madaxweynihii markaas uun la doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sannadkii 1999-kii khudbad uu ka jeediyay shirka golaha loo dhanyahay ee Jamciiyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in dalkiisa uu qabanayo shirweyne dib-u-heshiis oo gogol loogu fidinayo beelaha Soomaalida si ay usoo dhistaan dowlad loo dhanyahay.
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Qoraalka sawirka,
Madaxweynihii lagu soo doortay shirkii Carta ee Jabuuti, Cabdiqaasim Salaad Xasan
Wuxuu markii dambe shirkaas biloowday sannadkii xigay ee 2000 waxaana hal ku dhig looga dhigay “Tallo nin leh baa u galgasha, tolna waa u ergeeyaa”. Waxaa ka qeybgashay illaa 2 kun oo ergo oo isugu tagay shirweynihii dastuur lagu ansixiyay, baarlamaan lagu soo xulay, kadibna madaxweyne loogu doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Hadal taariikhda galay oo uu Cabdiqaasim Jeediyay habeenkii la doortay ayuu Eebbe ku marqaati gashtay in lala qaaday mas’uuliyadda.
6. Kacdoonkii Maxaakiimta
Dhacdooyinka lama filaanada ahaa waxy ku badnaayeen Soomaaliya tan iyo markii ay xornimada qaadatay 60 sano ka hor, waxaana ka mid markii sannadkii 2006-dii ay sidii daadkii ay dalka maansheeyeen dhallinyaro diin-doon ah kuwaas oo shacabka taageero xooggan ka helayay.
Howlgalkii ay Muqdisho ka billaabeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya wuxuu ahaa mid isbaddal weyn ku sameeyay taariikhda Soomaaliya.
Waxay dagaal culus la galeen hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ee la aaminsanaa inuu taageeri jiray Mareykanka, iyagoo waqti kooban kula wareegay inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ayey Muqdisho nabad noqotay sannadkii 2006-dii, kaddib markii ay ciidamadii Midowga Maxkamadaha ku guuleysteen howlgalkoodii ay ujeeddadiisu ahayd in ay shareecada Islaamka ku xukumaan waddanka.
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Qoraalka sawirka,
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya
Hase ahaatee wax ka yar sannad kaddib waxaa billowday burburkoodii daba socday dagaalkii ay la galeen milatariga Itoobiya oo ahaa ajaaniibtii ugu horreeyay ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii uu hoggaaminayay, Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Yusuf Axmed..
Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Jaamici), oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa isagoo la hadlay BBC-da sharraxaya aasaaskii iyo tallaabada ay qaadeen maxkamadaha Islaamiga ah iyo wixii ay shacabka uga dhigneyd.
“Markii ay dhowr iyo toban sano taagneyd fowdo iyo dagaallo u dhaxeeya qabaa’ilada, waxaa soo baxay maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo runtii ay jireen sababo ku kallifay kacdoonkooda.”
“Shacabka oo u baahnaa xasilooni iyo nidaam ayaa aad usoo dhaweeyay – oo xitaa aad moodeyso in kacdoon shacab lagu soo dhaweeyay – sidaas ayeyna ugu suurtagelisay in ay ka adkaadaan nimankii dagaal oogeyaasha ahaa.”
Wuxuu ku qeexay arrintaas “xaalad kala guur ah oo looga baxay dagaal beeleedyadii tooska ahaa, loona gudbay in koox koox la isaga soo horjeesto”.
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Qoraalka sawirka,
Sheekh Shariif oo maxaakiimta hoggaaminayay ayaa markii dambe noqday madaxweynaha Soomaaliya, halka Xasan Daahir Aweys oo madaxda ka mid ahaanna uu hadda xabsi guri ku yahay Muqdisho.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ka warramay waxa ay taasi uga dhigneyd dowladnimadii Soomaaliya – xorriyadda kaddib – wuxuuna yiri: “Waxay ila tahay in taageerada ballaaran aan loo wada siinnin in lagu raacsanaa fikirkoodii diiniga ahaa laakiin dadka rayidka ah ay ku daaleen kala dambeyn la’aantii jirtay muddada dheer ayna u baahnaayeen cid ka difaacda burcadda dhiiggooda banneysatay.
“Hase yeeshee uma maleynayo in waxa markaas socday iyo taageerada shacabka ay salka ku heysay qarannimo iyo in dowlad Soomaaliyeed la yagleelo,” ayuu yiri.
“Fikirka maxkamadaha islaamiga ah kuma dhisneyn waddaniyad, dadkii taageersanaana qaarkood waxay rabeen maamul islaami ah, halka qaar kalena ay u heellanaayeen oo kaliya in amni iyo xasilooni la helo. Taasina waxay sababtay in beesha caalamka ay arrintaas ka muujiso taxaddar weyn. Ugu dambeyntiina taasi ayaa sababtay in maxkamadihii meesha laga saaro.”
Sanadkii 2007-dii ayay midowgii amxkamadaha Islaamiga ah looga adkaaday dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya iyo kuwii daacadda u ahaa ee dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Qoraalka sawirka,
Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Yusuf Axmed oo garab ka helayay Itoobiyaanka ayaa ka guuleystay midowgii maxaakiimta
Dagaalkaas wuxuu sababay in Muqdisho laga saaro ayna u firxadaan dhanka Jubbada Hoose. Waxay taasi dhalisay khilaaf cusub oo sababay in xubno sare oo ka mid ahaa Maxaakiimta ay u baxsadaan dalalka deriska ah.
Ururka Al-Shabaab oo sii jiray, balse garab militari u ahaa Maxaakiimta ayaa ka dib si rasmi ah u soo shaac baxay, wuxuuna dagaallo muqaawameyn ah ka billaabay Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
Balse ugu dambeyn 2009-kii, shir ka dhacay dalka Jabuuti ayaa lagu gaaray heshiis horseeday in la dhiso dowlad uu madaxweyne ka noqday hoggaamiyihii midowga Maxakamadihii islaamiga ahaa ee markaas burburray, Shariif Sheekh Axmed.
Q1-
Qabyo qoraal-
Xigasho Xogta qaar (Cite and Reference )
-DHAMMAAD-
Soomaliya. Hanoolato