Waxgaradka Gobolka Bari oo soo dhaweeyey sida ay dowladda kula soo wareegtay maamulka hawada-Dhegayso

Published: January 6, 2018

Magaalada Bosaso ayaa waxaa kulan ku yeeshay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Bari. Kulanka ayaa ahaa mid odayaasha iyo waxgaradka ay ku soo dhaweenayeen sida ay dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka hawada.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kulanka kaga hadlay diyaar garowga loogu jiro imaanshaha madaxweyanha Soomaaliya Mudane Maxamad CabdullaahI Farmaajo deegaanada Puntland.

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal fara badan sameysay oo ay ka mid ahaayeen dadaalkii loo galay maxaabiis ku xirnayd dalka Itoobiya oo la soo siidaayey.

Waxay balan qaadeen waxgaradka gobolka Bari in ay la shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya oo a7 sheegaan in ay wado dadaalo hormarineed.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *