Weerar Al Shabaab la damacsaneyd Baarsanguuni oo la fashiliyey

Published: April 11, 2024
Shares2

Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyey weerar ay doonayeen kooxda Khawaarijta ah inay ku qaadaan deegaanka Barsanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Baarsanguuni ayaa 45km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan Kismaayo, oo xarun u ah mamaulka Jubalnd

Ciidamada Dowlada waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Al-Shabaab oo xogtiisa la sii hayey, waxaana weli socda hawlgalkaasi lagu soo beegay maalinta labaad ee ciida.

Kooxda al Shabaab ayaa horey marar badan weeraro iyo qaraxyo la beegsaday saldhiga ciidamada ee Baarsanguuni.

Waxaa jirta khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray kooxda weerarka soo qaaday, iyadoo la filayo in dhawaan war rasmi ah laga soo saaro.

Muuqaalo warbaahinta dowladdu soo dhigtey barta Telegram ayaa muujinaya meydad lagu sheegay al-Shabaab kuwaas oo dhulka daadsan.

Horseed Media