Weerar ku bilowday qaraxyo xooggan oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Published: February 16, 2023

Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa saaka lagu qaaday deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyadan xooggan ayaa lagu weeraray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaankaasi, oo dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Weerarka qaraxyada kadib Ururka Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weerareen fariisimihii ciidamada.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaan weli ka hadlin weerarkan aroornimadii hore ee maanta ka dhacay Baar Sanguuni.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli gobolkaas uu ka socdo abaabul ciidan oo ka dhan ah deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan.

Horseed Media