Weerar lagu dilay dad Soomaali ah oo ka dhacay dalka Itoobiya

Published: June 22, 2022

Weerar lagu dilay dad Soomaali xoolo dhaqata ah ayaa ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan webi mara dhulka deegaanka Canfarta ee waddankaasi.

Warar ayaa sheegaya maleeshiyaad ka soo jeeda in Qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqata Soomaali ah, kadibna ay halkaas ku dileen illaa 7 qof oo rayid ah.

Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato ayaa ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash, halka dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale kooxda weerarka fulisay ayaa dhacay xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *