Weerar qarax loo adeegsadey oo ka dhacay Mandheera

Published: January 23, 2017

Habeenkii xalay ayaa weerar loo adeegsadey bomka gacanta laga tuuro lagu qaadey laba goobood oo ku yaala magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah werrarada lagu qaadey askar ilaalineysey goob bangi ah, halka weerarka kale lagu qaadey guri ay degto martidu.

Qaraxyada kadib ayaa la is dhaafdsadey rasaas laba dhinac ah.

Afhayeen u hadley cidanka Kenya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in ay magaalada soo galeen koox taabacsan al-Shabaab.

Fredrick Shisia oo kamid ah Komishanka Gobolka Mandheera ayaa sheegay in qaraxyadu ahaayeen afar kuwaas oo la maqley subaxnimadii hore ee Isniinta.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in ay weerarka ku dleen laba askeri oo kamid ah ciidanka Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *