Weerar uu ka dhashay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Published: June 5, 2022

Iska hor imaad khasaare sababay ayaa xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay rag hubeysan weerar gaadma ah ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada xaafadda Jamuuhuriyo ee Kaaraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday hal qof, iyada oo uu dhaawac soo gaaray askari ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta goor dambe gaaray ciidamo kale oo dheeraad ah oo howlgal kooban ka sameeyey goobta, inkastoo ay baxsadeen dableydii soo qaaday weerarka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *