Weeraro lagu qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Siiriya & Ciraaq

Published: October 20, 2023

Ciidamada Mareykanka ayaa wajahaya hanjabaado dheeraad ah, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu ku fido gobolka oo dhan.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ayaa lagu garaacay saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Ciraaq Khamiistii.

Weerarradan ayaa ku soo beegmay xili ay Washington heegan sare gelisay ciidamadooda barriga dhexe ku sugan, iyadoo weeraro noocaan ah ka dhaceen Ciraaq iyo Suuriya Arbacadii, halka markab dagaal oo Maraykanku leeyahay uu soo riday gantaallo u socday Israa’iil oo laga ganay Yemen.

Waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka tan iyo markii ay iskahorimaadayda Israel ka bilowdeen 7-dii Oktoober.

Arbacadii, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeysay ciidamada Mareykanka ee Suuriya, waxaana ka dhashay dhaawacyo fudud, halka mid kalena la soo riday.

Shalay oo Khamiis ahayd, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa lala beegsaday saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ku sugan galbeedka Ciraaq. Qaraxyo kala duwan ayaa laga maqlay gudaha saldhigga.

Gantaalo ayaa sidoo kale lagu garaacay saldhig ay ciidamada Maraykanka ku leeyihiin garoonka caalamiga ah ee Baqdaad, sida ay sheegeen booliiska Ciraaq, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Isbaheysiga Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin dagaalyahannada ay taageerto Iran, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay mas’uuliyadda labada weerar ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ciraaq, waxayna sheegtay in “ay ku bishaareyneyso hawlgallo dheeraad ah” oo ka dhan ah “gumeysiga Mareykanka”.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga 2,500 oo askari, halka 900 oo kalena ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Suuriya, wuxuuna howlgalkooda yahay sidii ay gacan uga siin lahaayeen ciidamada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxda hubeysan ee ISIL oo sanadkii 2014-kii laga qabsaday dhul badan oo labada dal ah.

Iran oo kooxahan taageerta ayaa todobaadkan sheegtay inaysan dusha kasii daawan doonin dagaalka Gaza iyo duqeynta Israel ku wado shacabka Falastiin, xili Wasiirka Arrimaha dibada ee Iran uu magaalada Doxa kula kulmay hogaamiyaha Xamaas.

Dalka Iran ayaa ah wadanka kaliya ee sida rasmiga ah u taageeray duulaankii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7dii Oktoober oo lagu dilay in ka badan 1400 isugu jira askar iyo shacab Israa’iiliyiin ah.

Horseed Media