Wefdi ka socda Gal-mudug oo Garoowe soo gaarey [Sawiro]

Published: February 13, 2012

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe oo dhowaan uu ka furmi doono wejiga labaad ee shirkii wada-tashiga waxaa kusoo qul qulaya wufuud tira badan oo ka socda dhinacyada shirkaas ka qayb geli doona.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa galabta kasoo degey wefdi heer sare ah oo ka socda maamulka Galmudug.

Wefidigaas oo uu horkacayey madaxweynaha Gal-mudug Maxamed Axmed Caalim ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo Gen. Cabdi Qayb-diid.

Mas`uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada iyo kan Baarlamaanka ayaa wefdigaas garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhoweeyey.

Wefdiga madaxweyne Caalim ayaa intaas kadib loosoo gudbiyey goobta loogu tala galay inay degaan inta uu shirku socdo ee ay magaalada Garoowe joogaan.

Wejiga labaad ee shirka Garoowe ayaa furmi doona 15/2/2012 waxaana waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono kamid ah dhamaystirka Dasrtuurka Federaalka iyo habka maamul ee ay dowlada Soomaaliya ku shaqeyn doonto.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe