Wefdigii ka socdey Dowladda Federaalka oo booqasho ugu tegey Boqor Burhaan Boqor Muuse -SAWIRO

Published: May 2, 2020

Wefdi ka socdey Dowaldda Federaalka oo habeenkii xalayku sugnaa magaalada Qardho ayaa maanta booqasho ugu tegey Boqor Burhaan Boqor Muuse hoyga uu ka degan yahay magaalada Qardho.

Wefdiga waxaa kamid ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Soomaaliya, Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, wasiirka beeraha, Wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xildhibaano deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Boqorka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey dedaalada Dowladda federaalku waddo iyo jawaabta ilaa hadda ay ka bixisey xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatey roobabkii miihaaganka ahaa ee Qardho ka da’ay.

Waxaan si weyn idiinka mahad celinayaa dedaalka aad waddaan ee ku aadan in wax loo qabto dadkii dhibaatadu ka soo gaartey roobabkii halkan ka da’ay, waxaadna salaam ka gaarsiisaan shacabka Qardho madaxda u saraysa Dowaldda federaalka sida Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha…”.

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Wefdiga Dowladda Federaalka ka socdey oo maalintii shalay keenay magaalada Qardho saddex diyaaradood oo mucaawano ah ayaa habeenkii xalay kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, mana jirto faahfaahin laga siiyey saxaafadda.

Wefdiga ayaa isla maanta dib ugu noqonaya magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *