Weriye Bushaara Cali Maxamed(Baandaay) oo hal sano oo xabsi ah lagu xukumay

Published: August 15, 2023
Shares38

Hargeysa, Somaliland: Maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ayaa sheegtey in ay dembi ku heshey weriye Bushaara Maxamed Cali, waxaana ay ku xukuntey hal sano oo xabsi ah.

Bushaara Cali Maxamed oo haysata dhalashada dalka Ingriiska ayaa 15 May 2024 ciidamada boolisku ku xireen magaalada ku taala xadka ee Wajaale, waxaana lagu eedeeyey in ay faafisey borobogaando waxna u dhintey nabadgelyada Somaliland sida ay sheegeen laamaha dembi baristu.

Mudadaas afarta bilood ah ayaa lagu hayey waxa loo yaqaan Rumaan ama hala hayo inta xukunkeeda la gaarayo.

Maxkamadda ayaa sheegtey in xukunka halka sano ah looga soo bilaabayo maalintii la qabtey, sidoo kale ay iibsan karto, inta u dhiman.

Bishaaro Maxamed Cali ayaa horey uga soo shaqeysey telfishanada Soomaalida qaar kamid ah, sidoo kale waaxay qoraalo iyo muuqaalo ku faafisaa baraha bulshada.

Hay’adaha u dooda suxufiyiinta iyo kuwa xquuql insaanka ayaa si weyn Somaliland ugu cambaareeyey falka lagu xiray Bushaaro Cali.

Maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyey in ay saxaafadda cabburiyaan, oo aysan ka jirin madaxbanaani lagu shaqeyn karo.

Keyse Adam
Horseed Media