Weriyeyaal Caalami ah oo Garoowe soo gaarey

Published: February 17, 2012

Koox weriyeyaal ah oo ka socda qaar kamid ah warbaahinta Caalamiga ah ayaa galabta soo gaarey magaala-madaxda Puntland ee Garoowe.

Weriyeyaashan oo ka kala yimid dalalka midowga Yurub, Maraykanka, iyo qaar kamid ah wadamada Africa ayaa ka socda TV-yo, Idaacado, iyo Wargeyso Caalami ah.

Waxayna ujeedada ay Garoowe usoo gaareeni tahay sidii ay u tebin lahaayeen wejiga 2-aag ee shirka Garoowe oo caawa in uu soo gaba gaboobo lagu wado.

Weriyeyaashan oo ay tiradoodu 10 ku dhowdahay ayaa ka kala socda Fox News, BBC, CNN, iyo dhowr wargeys oo kuwa dunida loogu daalacashada badan yahay ka mid ah .

Dhinaca kale waxaa weli jira ismarin waa ka dhashay nidaamka Federaalka ee ay dowlada marka KMG nimada laga baxo imaan doontaa ku shaqaynayso kaasoo ay ergada Galmudug shirka uga qayb gelayaa dood adag ka keeneen.

Waxaana hada socda shir ay albaabdu u xiran yihiin oo ay ku jiraan gudiyada hoose ee shirku kuwaas oo ka arinsanaya sidii khilaafkaas loogu gudbi lahaa si shirku uu usoo gaba gaboobo.

Si kastaba ha ahaatee shirka Garoowe-2 oo ay ergooyin aad u tira badan oo madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ka tirsani ka qayb gelayaan ayaa ah mid natiijada kasoo baxda si weyn loo wada dhowrayo.

 

Horseed Media

Garoowe