WHO oo $1.38 Milyan u raadineysa dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Published: November 20, 2019

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay raadineyso lacag dhan $1.38Milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogula tacaalo dadka Soomaalida ah ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Warbixin ka soo baxday hay’adda WHO waxaa lagu sheegay in Fatahaadaha ay saameeyeen dad ka badan Nus Malyan qof, sidoo kalena barakiciyeen dad gaaraya 370,000 oo qof kuna dhinteen 25 qof halka dhaawacu gaarayo 47 qof.

“waxaan dooneynaa in aan gaarno dad ka badan 450,000  oo ku nool meelaha ugu daran ee ay ku dhufteen fatahaadaha kuwaas oo u baahan gargaar deg deg ah saddexda bilood ee soo socota

” ayuu yiri  Mamunur Rahman Malik,oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya.

Mamunur Rahman, ayaa sheegay in howsha ugu horreysa ee hay’adda WHO qabaneyso tahay dayactirka xarumaha caafimaadka ee ay waxyeellada ka soo gaartay fatahaadaha sidoo kalena la caawiyo dadka ku nool degaannadaas.

Gobollada ay ka fulin doonaan gurmadka ayuu sheegay in ay ka kala tirsanyihiin Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubaland oo ay maraan labada wabi ee karkaarrada jabsaday sanadkan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *