Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta labaad ka galay tartanka qur’aanka kariimka oo lagu qabtey dalka Turkiye

Published: October 5, 2022

Wiil Soomaali ah ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka qur’aanka kariimka ee lagu qabtey dalka Turkiye. Wiilkan ayaa lagu magacabaa Cabdiwahaab Qaasim Axmed waxaana uu ku tartamey 30 jis ee qur’aanku ka kooban yahay.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda federaaliga ah ayaa hambalyo iyo bogaadin udirtay Cabdiwahaab Qaasim oo dalka Soomaaliya ku matalay Tartanka Qur’aanka kariimka caalamiga ah ee Turkiye.

Tartankan ayaa soo bilowdey dhamaadkii bishii hore waxaana lagu qabtey magaalada Konya ee bariga dalka Turkey.

Qaari Cabdiwahaab ayaa horey tartamo kale uga qayb galay waana 25 sano jir.

Waxaana lagu abaal mariyay xaflad ka dhacday magaalada Ankara, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiye Recep Tayyip Erdogan.

Dhaliyarada Soomaaliyeed ayaa door muhim ah ka qaata tartanada qur’aanka kariimka, waxaana ay gulo la taaban karo ka soo hoyeen tartano meelo kala duwan ka dhacay.

Horseed media