William Ruto oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada

Published: October 5, 2023
Madaxweynaha Kenya William Ruto

Kenya, Nairobi. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa habeenimadii Arbacada isku shaandheyn ku sameeyay sideed xubnood oo ka tirsan golihiisa Wasiirada, waxaana isku shaandheyntu saameysey Wasiirkii arrimaha dibadda.

“Madaxweynuhu isaga oo fulinaya awooddiisa madaxweyne waxa uu dib u habayn ku sameeyay hay’adaha fulinta, taasina waxa ay keentay in isbedel lagu sameeyo hawlihii shaqo ee wasaaradaha iyo waaxyaha dawladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Kenya. habenkii xalay.

Dhawr bilood ka hor, Madaxweyne Ruto waxa uu si cad u canaantay golihiisa wasiirada oo uu ku eedeeyay qaar ka mid ah in aanay waxba kala socon arrimaha khuseeya hawlahooda shaqo.

Wasiiradaraha uu isku shaandhaynta uu ku sameeyay Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kenya taasi oo uu horay uu u hayay Dr. Alfred Mutua, waxaana Wasaaradaasi uu madaxweynuhu uu u magacaabay Musalia Mudavadi. Dr. Alfred Mutua ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Dalxiiska Kenya.

Dhanka Soomaalida Kenya, Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Aden Barre Du’caale, ayaa kamid ah Wasiirada aysan saamaynin isku shaandhaynta uu xalay uu sameeyay Madaxweyne Ruto.

Horseed media