William Ruto oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Aqalka Cad ee Maraykanka

Published: May 23, 2024

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa gaarey dalka Maraykanka halkaas oo booqasho tarikhi ah uga bilaamatey, taasoo noqoneysa booqashadii ugu horeysay oo rasmi ah oo hogaamiye Afrikaan ah uu ku tago Maraykanka muddo 15 sano ah.

Booqashada Madaxweyne William Ruto waxa ay hoosta ka xariiqeysaa sida ay uga go’an tahay Maraykanka dib u soo celinta xiriirka laba geesoodka ahaa, iskaashiga dhaqaalaha, iyo dadaallada iskaashiga ee caqabadaha caalamiga ah sida isbeddelka cimilada, amniga, iyo caafimaadka.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Aqalka Cad, iyadoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Joe Biden oo u gogley roog cas.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay wadahadallo heer sare ah, waxaana diiradda lagu saaray ballaarinta fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga, sare u qaadista iskaashiga amniga, iyo wax ka qabashada xasilloonida gobolka ee Bariga Afrika. Intaa waxaa dheer, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto isbeddelka cimilada, iyadoo labada waddanba ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumar waara iyo ilaalinta deegaanka.

Booqashadan Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa loo arkaa mid halbowle u ah xiriirka Mareykanka iyo Afrika, isla markaana dejinaya gogol wadashaqeyneed oo sare loo qaadayo iyo iskaashi xooggan oo la yeesho sanadaha soo socda. Waxay ka tarjumaysaa istaraatiijiyad ballaaran oo Maraykanku uu si qoto dheer ula macaamilayo waddamada Afrika oo ay u taageeraan hammigooda horumarineed.

HORSEED MEDIA