Wsiirkii hore ee Amnigga DFS oo ka digay in doorashada waqtigeeda la dhaafsiiyo.

Published: April 4, 2020

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, horana usoo noqday wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amnigga DFS ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada doorashooyinka Qaranka iyo cudurka adduunka oo dhan dhibaatada ku haya ee Coronavirus.

War saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne Guuleed ayuu ugu horeyn kaga hadlay cudurka Coronavirus iyo culeyska uu ku haayo nolosha dadka iyo dhaqaalaha caalamka, waxaana uu ku baaqay in cudurkaas ay dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowlad, mucaarad iyo muxaafad ay si midnimo leh uga hortagaan.

Sidoo kale waxaa uu ka digay in cudurkaas aan marmarsiiyo looga dhiganin qabsoomid la’aan doorashooyinka qaranka, isagoo ugu baaqay dowladda iyo Guddiga qaran ee doorashooyinka in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda oo aysan marnaba cidi ku fekirin dib u dhis iyo muddo kororsi, taasoo uu xusay inay dalka gelin karto dib u dhac iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Warsaxafdeed uu soo saaray ayaa kaga hadlay qodoadaan soo socda:-

1. Waxaa dowladda dhexe laga doonayaa inay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan ka hortagga iyo la dagaalanka curdurkaas, anigoo dowladda ku amaanaya tilaabooyinka ay ilaa hadda qaadayna, haddana waxaad mooda inuu wali jiro gaabis la xiriira qaadashada tilaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa la tacaalidda iyo ka hortagga cudurka, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin:

A. Dhismaha guddi qaran oo ka kooban madaxda sare ee dowladda dhexe, madaxda dowlad gobaleedyada, madaxda kala duwan ee mucaaradka iyo madaxda qeybaha bulshada, si loo muujiyo MIDNIMO QARAN, abaabul iyo in meel looga soo wada jeesto halista cudurka, la tacaalidiisa iyo xakameyntiisa.

B. Billaabidda olole heer qaran ah oo tabarucaad loogu ururinayo la dagaalanka cudurka COVID19, si loo helo qalabkii iyo adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa ka hortagga, la tacaalidda iyo xakameynta cudurka.

C. Qaadashada go’aano adag oo la xiriira xakameyta faafista cudur ee bulshada dhexdeeda, sida hakinta isku socodka bulshada, xakameynta shirarka iyo isku imaatinka waaweyn iyo waxii tilaabooyin ah ee hadba la jaanqaadaya marxalad kasta.

D. Joojinta gabi ahaanba canshuuraha la saaro mushaaraadka, macaashu macaashka iyo badeecadaha aasaasiga u ah nolasha dadweynaha, sida cunooyinka, daawooyinka iyo qalabka caafimaad, mudada lagu jiro la dagaalanka cudurka COVID19, si dadweynaha Soomaaliyeed ay sicir jaban oo macquul ah ugu helaan badeecadahaas taabanaya nolashooda.

E. Ku wacyigalinta bulshada halista cudurka iyo sida sahlan ee uu u faafo loona kala qaado.

2. Waxaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu baaqayaa in ayagoo eegaya ahmiyadda la dagaalanka cudurkaan halista ah ay si dhow uga wada shaqeeyaan ayaga iyo dowladda dhexe la tacaalidda halista cudurka COVID19.

3. Waxaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee Soomaaliyeedba ku boorinayaa in ay qeyb mug leh ka qaataan ololaha qaran ee la dagaalanka, xakameynta iyo la tacaalidda halista cudurka COVID19.

4. Waxaan dhaqaatiirta iyo culuma’udiinka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa inay kaalin lixaad leh ka qaatan wacyigalinta bulshada, ayadoo la adeegsanayo hal ku dhaggii caafimaad ee ahaa “ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta”.

5. Waxaan ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Ilaahay hantida siiyey ku guubaabinayaa in ay kaalin weyn oo wax ku ool ah ka qaataan samata bixinta shacabkooda iyo umaddooda, ayagoo ku deeqaya tabarucaad muuqda, qiimaha badeecadahana hoos u dhigaya, waana inay ka fogaadaan kana taxadaraan in ay uga faa’ideystaan Shacabkooda dhibaateysan duruufaha adag ee ay wajahayaan.

6. Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhab ah u qaatan halista iyo khatarta cudurkaas halakeeyay dhammaan dunida, galaaftayna ilaa hadda nolosha in ku dhow 50 kun oo qof, xanuunkiisana ilaa hadda la daala dhacayaan in ka badan hal milyan oo qof.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *