Xabaal wadareed ay ku aasan yihiin 17 qof oo laga helay magaalada Berbera

Published: March 20, 2017

Xabaal wadareed ay ku aasan yinhiin todoba iyo toban qof ayaa laga helay xaafadda Burco Sheekh ee magaalada Berbera ee Somaliland.

Xabaal wadareedkaasi dadkii ku aasnaa ayaa dib aas loogu sameeyey, iyadoo qof walba lafahiisa si gaar ah la iskugu xiray isla markaana lagu aasay xabaalo ku yaala koonfurta magaalada Berbera .

Aaska loo sameeyey dadkaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka cadaaladda, wasiirka diinta iyo aw-qaafta iyo duqa magaaladda Berbera.

Wasiirka dinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qofka marka uu dhinto si wanaagsan loo aaso ay tahay wax wanaagsan, isagoo hadalkiisa ku daray in la garanayo dadkaasi dadkii laayey oo waa dowladii dhexe ee wadanka ka jirtay,

Ma ahan markii ugu horeysay ee deegaanada Somaliland laga helo xabaal wadareedyo ay ku duugan yihiin dad la sheegay in la laayey.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *