Xabad-joojin la doonayo in la dhex dhigo Israa’iil iyo Lubnaan

Published: October 31, 2024
by: Mohamed Osman

Waxaa socda dadaalo xoogan oo ay ka qeyb qaadanayaan dalalka reer Galbeedka oo la doonayo in xabad joojin 60 maalmood ah la dhex dhigo Israa’iil iyo Lubnaan.

Mareykanka oo ah xulafada Israa’iil ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalada socda, iyadoo la doonayo in xabad-joojintaasi 2da bilood ah wadada loogu xaaro dhaqan-gelinta Qaraarkii 1701 ee Qaramada Midoobay kaasi oo soo baxay kadib dagaalkii labada dhinac dhexmaray sanadkii 2006.

Raysalwasaaraha KMG ee Lubnaan Najib Mikati ayaa Arbacadii shalay xaqiijiyey qorshahan xili uu wareysi siinayey telefishinka dalkaasi Lubnaan ee Al-Jadeed.

Dowlada Mareykanka ayaa dooneysa in xabad joojintan ay bilaabato kahor doorashada wadanka Mareykanka ee dhacaysa 5ta Nofeember.

Xoghayaha cusub ee ururka Xisbullah Naim Qassem oo Salaasadii si rasmi ah loogu doortay xilkaasi ayaa war uu siidaayey Arbacadii ku sheegay, in Xisbullah ay diyaar u tahay xabad-joojin hadii Israa’iil ay joojiso duulaankeeda isla markaana aqbasho shuruudahooda.

Dhinaca Israa’iil ayaan weli war rasmi ah laga heyn, balse waxaa jira khasaaro badan oo kasoo gaaray ciidamadooda dagaalada ay kula jiraan Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, waxayna taasi badelkeed Israa’iil duqeyn xoogan ku wadaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Lubnaan.

Horseed Media