Xabad-joojintii Armenia & Azerbaijan oo burburtay iyo duqeyn dad badan ku dhinteen

Published: October 29, 2020

Dowlada Azerbaijan ayaa ku eedaysay in Armenia ay jabisay xabad joojintii Isniintii lasoo dhaafay lagu dhawaaqay, kadib markii ay xoogaga Armenia ay duqeeyeen degmada Barda oo ku dhaw gobalka lagu dagaalamayo ee Nagorno-Karabakh.

Duqeyntii shalay ayey ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, walow dowlada Armenia ay beenisay in ay iyadu ka danbeysay duqeyntan lala beegsaday dhulka Azerbaijan.

Xabadjoojintan burburtay ayaa noqoneysa tii 3aad oo lagu guuleysan waayo in lagu qaboojiyo dagaalka u dhaxeeya labada dal.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey shirar ka dhacay magaalada Washington ku kulmeen Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka iyo Wasiirada Arrimaha Dibada ee Armenia & Azerbaijan, kulamadaasi oo laga soo saaray in la dhaqan geliyo xabad joojintii la doonayey inay dhaqan gasho asbuucan.

Waxaa horey sidan ugu burburaylaba goor xabad joojin ay ku dhawaaqday dowlada Ruushkan oo iyaduna dadaal ugu jirtay dhex dhexaadinta wadamadan.

Duqeyntii shalay ee degmada Barda ayaa noqoneysa weerarkii ugu khasaaraha badnaa dhanka tirada dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaartay, Madaxweynaha Azerbaijan oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay goobaha dagaalka uga aargudan doonaan Armenia.

Cabdirisaq Shiino
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *