Xabsiga Koonfur-Galbeed oo xariga laga jaray

Published: July 17, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarigga ka jaray xabsiga Dhexe ee magaalada Baydhabo, kaasoo si casri ah loo dhisay, waxaana dhismaha mashruucaan fulisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda xarigga looga jarayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xariga ka jaray Xabsiga magaalada Baydhabo, wuxuuna amaanay kaalinta wanaagsan ay dhismahan ka qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhismaha Xabsigan ayaa qeyb weyn ka qaadanaya xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *