Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda, wakiillada Qaramada…
Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ergada Diblomaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is bedelka xafiiskaan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxyadda caalamiga ah.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La Taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Madax kale iyo Safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta is bedelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).
Horseed Media