Xakuno lagu riday dhalinyaradii kufiga ka geysatay degmada Galdogob

Published: January 29, 2017

Maxkamad ku taala degmada Galdogob ee gobolka Mudug Puntland-Soomaaliya ayaa waxaa ay xakuno ku riday dhalinyaro kufsi u geysatay gabar Soomaaliyeed oo 16 sano jir ah, isla markaana muuqaal ay ka duubeen ku baahiyey baraha bushada.

Waxaa goob joog ka ahaa goobta uu xakunka ka dhacay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland sida wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Aniso Xaaji Muumin, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Saalax Xabiib jaamac iyo taliyaha ciidanka booliska Putland Jenaraal Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

Dhalinyarada la xakumay ayaa dhammaa 5, waxa uuna xakunkooda u dhacay sidan.

1-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

2–Shirwac Jamaac Juunle 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

3-Ayaanle Wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

5-Cabdirisaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Ammaanka goobta uu ka dhacayey xakunka ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo sdia al sheegay dhalinyaradan ku dhammeysan doona xakunkooda xabsiga weyn ee magaalada Garowe.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *