Xamaas & Israel oo isdhaafsaday qeybtii 2aad ee Laheystayaasha

Published: November 26, 2023
Shares46

Xamaas ayaa xalay siideysay 17 qof oo u dhashay Israel iyo Thailand oo kamid ah laheystayaasha ay gacanta ku hayeen.

Dadkan ayaa lagu waday in Sabtidii gelinkii danbe lasii daayo balse dib u dhac ayaa ku yimid siideyntooda.

Dib u dhacaas ayaa yimid kadib markii Xamaas ay ku eedaysay Israel inay jabisay heshiiska sida in gargaarka la gaarsiiyo waqooyiga Gaza.

Qeybta 2aad ee lasii daayey ayaa ah haween & caruur gaaraya 13 oo u dhashay Israel iyo 4 kasoo jeeda Thailand.

Israel ayaa dhankeeda siideysay 39 caruur iyo haween reer Falastiin, kuwaasi oo qaarkood ku xirnaa sannado xabsiyada Israel.

Maanta oo Axad ah ayaa noqoneysa maalintii 3aad ee xabad joojinta socon doonta 4ta maalmood. Waxaana la filayaa in lasii daayo qeybtii 3aad ee maxaabiista labada dhinac.

Horseed Media