Xamaas: Maxaabiista waxaa siideyn doonaa marka shacabkeena lasii daayo

Published: November 9, 2023

Ururka Xamaas ee Gaza ayaa sheegay sharuuda kaliya oo ay kusii deyn karaan dadka ay heystaan ee u dhashay Israel.

Afhayeenka Garabka militariga Xamaas (Al-Qassam), Md. Abu Cubeyda ayaa sheegay in ay sii deyn doonaan maxabiista marka Israel sii deyso shacabka xabsiyadeeda ka buuxa.

Israel oo maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmeysay Caalamka inay joojiso duqeynta Gaza, ayaa sharuud kaga dhigtay in loo soo daayo dadka laga heysto.

“…Waxaa Israel u xiran Haween, Caruur iyo dagaalyahano, anagana waxaan gacanta ku heynaa haween, caruur iyo dagaalyahano. Markii ay dadkeena soo daayaan, anaguna waa siideyn doonaa.”

Abu Cubeyda

Xamaas ayaa ku eedaysay Israel duqeynta ay wado ay ku dhinteen qeyb kamid ah dadkii ay gacanta ku hayeen.

In ka badan 230 qof oo u dhashay Israel iyo dalal kale ayaa la sheegay inay dagaalyahanada Xamaas ka qafaasheen koonfurta Israel, weerarkii 7dii Oktober.

Horseed Media