Xamaas oo ku baaqday in sare loo qaado la dagaalanka Israel

Published: April 24, 2024
Shares28

Afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas ee al-Qassam Brigades, Abu Ubaida, ayaa Talaadadii ku baaqay in kor loo qaado dagaalka dhinacyada badan ee lagula jiro Israel, khudbad telefishanka laga soo daayey oo lagu soo beegay maalintii 200-aad oo uu socdo dagaalka Gaza.

Muuqaal uu sii daayay TV-ga Aljazeera, Abu Ubaida waxa uu ammaanay weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil 13-kii Abriil, isaga oo sheegay in weerarrada tooska ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada “dejinayeen xeerar cusub oo muhiim ah, ayna jahawareeriyeen cadowga iyo kuwa ka dambeeya.”

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in sare loo qaado jiidaha dagaalka ee Daanta Galbeed iyo Urdun (Jordan).

Jordan oo udhaxeysa Iran iyo Israel, ayaa 13-kii Abriil soo riday daraasiin diyaaraha Drone-ka ee Iran oo soo galay hawadeeda kuna sii jeeday Saldhigyada militari ee Israel.

“Waxaan ugu baaqaynaa dadka reer Urdun inay kordhiyaan ficiladooda oo ay kor u qaadaan codkooda,” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Waxa uu sheegay in Xamaas ay ku adkeysaneyso dalabaadkeeda wadahadalada xabad joojinta ah ee socda – in Israel ay soo afjarto duulaankeeda militari, ay ka saarto ciidamada Gaza, u ogolaato dadka barakacay inay ku laabtaan waqooyiga Gaza, oo ay qaado xayiraadda.

Horseed Media