Xamaas oo ku eedaysay Netanyahu inuu caqabad ku yahay wada xaajoodka

9 July, 2024

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Isniintii ku eedaysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu carqaladeynayo…

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Isniintii ku eedaysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu carqaladeynayo wada xaajoodka xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza, xil ay dhexdhexaadiyayaasha ay mar kale dadaal ugu jiraan in la helo heshiis.

Xasuuqa Israa’iil ka wado Gaza ee dhulka falastiiniyiinta ayaa gashay bishii 10aad, dadaalada ay wadaan dalalka qaarkood ee lagu dhex dhexaadinayo Xamaas iyo Israa’iil ayaa lagu guuldareystay in la soo afjaro.

Bayaan ay soo saartay, Xamaas waxay ku sheegtay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil “uu sii wado inuu caqabado badan hor dhigo wada xaajoodka”.

Iyadoo dagaalo culus ay ka socdeen magaalada Gaza Isniintii, militariga Israa’iil ayaa ku amray shacabka Falastiin inay isaga baxaan qeybo kamid ah waqooyiga Marinka Qasa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shacabka Gaza ee guryahooda ka qaxay ay hada gaarayaan 1.9 milyan oo qof, oo ah 90% shacabkii ku noolaa Qasa.

Horseed Media