Xamse Cabdi Barre oo hadlay waxa uu ka aaminsan yahay haddii Ra’iisul Wasaaraha laga guuro

Published: May 29, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa ka hadlay go’aankii ay soo saareen Golaha ee nimaadka dimuqraadiyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

Ra’iisul Wasaare Xasme Cabdi Barre ayaa sheegay ayaa in uusan federaalku burbureynin haddii Raysal wasaare laga guuro.

“Waan dhaqaaqaynaa waanu isku qarxinaynaa waxyaabaha ad adag ma cabsanayno, meel ma fadhinayno waligeen, Federaal ma aanan burburin dawlad xoog leh baan rabnaa, Federaalku muu US ka burburo, Haddii Raysal wasaare laga guuray” ayuu yiri Xamse Cabdi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu go’aamiyay habraaca doorashada soo socda, iyada oo Madaxda isku raacday in sanadka 2024 guud ahaan dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod.

Horseed Media