Xamse Cabdi Barre oo sheegay in dowladdu isla xisaabtami doonto weerarkii hotelka kadib

Published: August 22, 2022

Rayiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa habeenimadii xalay booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii al-Shabaab ku qaadeen Hotel al-Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Raysalwasaaraha ayaa saraakiisha caafimaadka ka dhegaystey warbixino ku aadan xaaladda dadku dhaawaca ah.

Xamse Cabdi Barre oo markii u horreysey ka hadley weerarka Hotel Xayaat ayaa sheegay in dowladdu ay wax ka qabanayso sidii dadka dhaawaca ah u heli lahaayeen daryeel, meelkasta oo wax looga qaban karo.

Xamse Cabdi barre

Dhanka kale wuxuu xusey in isla xisaabtan dhici doono, isla markaana lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadayaa in dowalddu isla xisaabtami doonto, qaadi doonto masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana lagula xisaabtami doono cidkasta oo u xilsaarneyd arrintaas, lama aqbali karo wixii dhacay in uu mar danbe dhaco.

Xamse Cabdi barre

Raysal-wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Ugu danbeyntii waxa uu tacsi u direy dadkii dhibaatadu ka soo gaartey ee ku waayey kuwii ay jeclaayeen, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Qiyaastii dad ku dhaw 30 qof ayaa lagu diley Hotel Xayaat, oo uu ku jiro mulkilihii hotelka, sida laga soo xigtey Saraakiisha dowaldda iyo laamaha caafimaadka waxaana ku dhaawacmey dad ka badan 100 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *