Raysalwasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta fatawaadka Islaamka

1 day ago

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta fataawada taas oo loogu magac-daray daray Daarul Iftaa.

Xamsa Cabdi Barre oo uu dhinac taagan yahay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

HORSEED MEDIA