Xamse oo kulan la qaatay Bulshada Kismaanyo

Published: November 28, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso ciribtirka Khawaarijta iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, ciribtirka Khawaarijta, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.