Xamse oo kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay

Published: August 25, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Horseed Media