Xasan Hurre Ugaas oo ku guuleystay kursigii uu baneeyey Ra’iisul wasaare Xamse

Published: February 15, 2023

Musharrax Xasan Hurre Ugaas ayaa ku guuleystaay doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay Hop#203 oo saaka ka qabsoontay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kursiga ayaa waxaa Xasan Hurre Ugaas kula tartamayay Musharrax Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka tanaasulay tartanka.

Tanaasulka Musharrax Cabdullaahi kadib waxaa cod gacan taag ah ku soo baxay Xasan Hurre Ugaas oo helay 88 cod.

Kursigan waxaa horay ugu fadhiyay Raisulwasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre kaas oo dhawaan baneeyay.

Horseed Media