Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo dhoweeyey magaalada Carusha

Published: July 21, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.

Waa safarkii lixaad ee Madaxweynuhu dalka dibadiisa ugu baxo iyada oo aan weli la dhisin Xukuumaddii shaqeyn lahayd.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC.

East African Community Waa maamul goboleed ay ku mideysan yihiin ilaa todoba dal oo kala ah Kongo Kinshasa, Tansaaniyaa, Kenya, Burundi, Ruwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Uganda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *