Xasan Sheekh oo adeegsadey eraygii Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush

Published: October 31, 2022
Shares124

Madaxweynaha jamhuuriaydda federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii golaha wadatashiga qaranku soo saareen war-murtiyeedokoodi jeediyey khudbad kooban oo uu aad uga hadley arrinta la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadku ay laba yihiin kuwo u midoobey la dagaalanka argagixisada oo isku bahatstey wanaag iyo samafal, iyo kuwa lala dagaalamayo oo ah argagixisada oo isku bahaystey denbi iyo cadaawad, ma jirto cid saddexaad ayuu yiri.

“Meel dhexe ayaan taagnaan kaa yeeli mayno, ama anaga ayaad na soo raaci oo la dagaalameyna argagxisada ama kuwa lala dagaalamayo ayaad noqon”.

Sanadkii 2001 ayey ahayd markii hadal sidaan oo kale u dhigan uu yiri Madaxweynihii hore ee Maraykanka G. Bush: “Either you are with us or you are with the terrorists”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baaq u direy dhamaan ganacsatada in aysan dib danbe dhaqaale ugu taageerin al-Shabaab, taasi waa soo dhamaatey ayuu yiri Xasan Sheekh

Horseed media