Xasan Sheekh oo Galmudug Ka Bilaabaya Wejiga Labaad ee Dagaalka al-Shabaab

Published: August 5, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Seekh waxaa soo dhaweeyey, hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cali Kaariye Qoor-qoor, wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Galmudug.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu muddo ku sugnaan doono Dhuusamareeb isla markaana bilaabi doono guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shabaab.

Ciidamo gaaraya 8 kun oo askeri ayaa la geeyey Galmudug si ay qayb uga noqdaan gulufka colaadeed ee loo bixiyey wejiga labaad ee dagalka ka dhanka ah argagixisada.

Istaariijiyadda wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka argagsixisada ayaa lagu koobey Galmudug iyo Hirshabelle. Madaxweyne Xasan sheekh ayaa horey u sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagaixisadu uu lee yahay saddex weji, mid dhaqaalaha ah oo laga curaayimaanaayo aragagixisadu in ay dhaqaale sameeyaan, mid dhanka fikirka islaamiga ah oo lagala diriraayo fikirkooda khaldan iyo kan u danbeeya oo ah dagaal toos ah.

Wejigii kowaad ee dagaalka ayaa al-Shabaab looga xoreeyey magaalooyinka waaweyn, laakiin waxay weli awood ku lee yihiin dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka, sidoo kale waxaa gacantooda galay hub badan oo dowladdu iska lahayd, taas oo uu qirey la talyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Xuseen Macalin Maxamuud.

Horseed Media