Xasan Sheekh oo la kulmey guddiga la-dagaalanka lacagaha sharci darrada ah iyo ka hortagga maal-gelinta argagixisada

Published: July 29, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee Xagjiriinta Alshabaab.

Guddigan ayaa soo bandhigay in shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugsan yihiin laxagaha baada ah ee kooxaha argagixisada qaataan, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii Alshabaab ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo tan milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale war ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS Xamse Cabdi Barre ay kormeereen xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka. Booqashada Madaxweynaha ayaa la aaminsan yahay in ay salka ku hayso weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo la aaminsan yahay gacan dowladdaah in ay la shaqeysey al-shabaab.

Horseed Media