Xasan Sheekh oo sheegay “doorasho qof iyo cod ah” keliya in ay dalka ka dhacayso 2026

Published: April 10, 2024
Shares24

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xili danbe xalay khudbad la sii duubey ka jeediyey magaalada Muqdisho taas oo laga daawadey warbaahinta dowladda, taas oo lagu sheegay in Madaxweynuhu uu shacabka uga warramaayo xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ummadda Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul fidriga oo ku beegan maanta oo Salaasa ah.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa taabaneysey dhinacyada amaanka, madaxbanaanida dalka, Itoobiya iyo siyaasadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in geedi socodka dhismaha dowladda Soomaaliyeed muddo la soo wadey, ugu danbeyn hay’ado sharci ah la sameeyey kuwaas oo dadka wakiil ka ah, sidaas darteed, shir weyne qaran waa la soo qabtey, waxaan ku samaysaney dastuur, waxaana lagu qorey sida wax looga beddalaayo iyo cidda wax ka beddalaysa, sidaas darteed halkii aan joogney yaan la inaku hayn, horey aan u socono ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey waxa uu xukunka ku wareejin karo in ay tahay doorasho qof iyo cod ah oo dalkaan aysan ka dhaceyn doorasho kale sida uu qabo dastuurka federaalka, waxaana uu yiri.

“Afarta cutub ee dastuurka la ansixiyey dabar adag ayey naga furtay. Yaan la is wareerinin dalkaan doorasho qof iyo cod waxaan aheyn kama dhici doonto. Anigoo Xasan Sheekh ah ayaa ballan qaaday dadku ha diyaar garoobaan, hadii aan xunnahay ha iska kaaya hor wareejiyeen, qofkii ay ku qanacsan yihiina ha doorteen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Itoobiya ayuu sheegay in ayansan dagaal kula jirin Itoobiya, laakiin Itoobiya ay la dagaalsan tahay qaranimada Soomaaliya oo duulaan nagu tahay, sidaas darteed marna kama yeeleyno waxa ay doonayaan taako dalkeena ahna kama tanaasuleyno.

HORSEEDMEDIA