Xasan Sheekh oo shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Dhuusamareeb ka furey

Published: August 26, 2023

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxda heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray al-Shabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida lagu yiri warka soo abxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Shirka waxaa ka maqan madaxweynaha DowladdaPuntland Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u qaadacay Golahan shirarkoodi hore, isla markaana sheegay waxa ka soo baxay inaysan khuseyn Puntland Soomaaliyana aan lagu dhaqi karin go’aamo hal dhinac ah oo aan la isla oggoleyn.

Horseed media