Xasan Sheekh oo wada abaabulkii u danbeeey ee wejiga labaad ee la dagalaanka al-Shabaab

Published: August 10, 2023
Shares22

Dhuusmareeb, Galmudug: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta ururka al-Shabaab iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka, ayaa lagu yiri war ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadley istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah al-Shabaab ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka furimaha, waxa uuna xusay in sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka al-Shaaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka si ay u ilaalin karaan amniga marka ATMIS dalka ka baxdo.

Horseed Media