Xassan iyo Abiy Ahmed oo ka wadahadlay xiriirka labada dal

Published: June 13, 2023
Shares58

Kulanka dhexmaray labada hogaamiye ayaa looga hadlay arrimaha ay ka walaacsan yihiin labada dhinac iyo wadashaqeynta dowladaha Itoobiya & Soomaaliya gaar ahaan dhanka Amniga.

“Marka la eego danaha iyo arrimaha badan ee aan wadaagno, Itoobiya waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeyso dalalka jaarka si aan uga gudubno caqabadaha na hortaagan,” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka Abiy Ahmed.

Hogaamiyayaasha dalalka IGAD ayaa shir ku yeeshay dalka Jabuuti si ay wax uga qabtaan arrimo badan oo muhiim u ah nabadda, amniga, iyo horumarka gobolka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah u daneenaya in dalalka safka hore ee IGAD ee xaduuda la wadaaga Soomaaliya ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al Shabaab, qorshahaasi militari oo ka baxsan kan midowga Afrika ee ATMIS, ayaa ah mid aan illaa iyo hada lagu guuleysan xili ay dalalka jaarka ay wajahayaan caqabado isugu jira dhaqaale & amni.

Dhinaca kale dowlada Itoobiya ayaan weli faah faahin dhameystiran ka bixin khasaarihii kasoo gaaray weerarkii kadiska ah oo ay todobaad kahor kooxda Al Shabaab ku qaadeen ciidamadooda ku sugan Doolow ee gobalka Gedo, ciidankaasi oo ahaa kuwii la filayey inay ka qeyb qaataan wajiga 2aad ee hawlgalka ka dhanka ah saldhigyada Al Shabaab ku leedahay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Horseed Media