Xassan Sheekh”… Wakhti badan ayaan ku bixiyey hagaajinta xiriirka Puntland laakiin….”

Published: April 24, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey war saxaafadeed uu uga hadlaayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay in xiriirku uu wanaagsan yahay guulo waaweyna la gaarey mudadii labada sano ahayd ee uu xilka hayey. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusey in xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalku aanu fiicneyn, laakiin uu si weyn isugu dayey in xiriirka la hagaajiyo, ugu danbeyn ayuu ku baaqey in aan dowlad goboleedyadu aysan siyaasadeyn arrimaha masiiriga ah ee dalka sida midnimada, amniga iyo madaxbanaanida dalka.

Iyada oo malaintii Sabtida ee 20/04/2024 uu baaqdey shirkii Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee uu ku baaqey Madaxweyne Xasan Seekh ee lagu qaban lahaa Muqdisho sababo aan la aqoon, ayaa la is weydiinayaa sababta loo soosaarey xiligan war-saxaafadeedkan. Waxaa jira xog soo gaartey warbaahinta oo sheegaysa in maamulada Jubaland iyo Koonfur galbeed aysan ku qanacsaneyn sida Madaxweyne Xasan Sheekh wax u wado gaar ahaa dhamaystirka dastuurka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka uu soo saarey Madaxweyne Xasan Sheekh

WAR-MURTIYEED KU SAABSAN
XIRIIRKA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA

Markii la i doortay 15-kii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

= DHAMMAAD =