Xassan Sheekh “Wax gorgortan ah kama geleyno dhamaystirka dastuurka”

Published: March 22, 2024
Xasan Sheekh Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale khudbad dheer oo qaadatey 44 daqiiqo ka jeediyey masjidka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu ka hadley arrimaha dastuurka ee socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay waxyaabihii uu ku dhaartey in ay ka mid ahayd dhamaystirka dastuurka ayna ahayd barnaamijkiisi siyaasadeed sidaas darteed maadaama la igu dhaariyey ma jii doonto ayuu yiri wax gorgortan ah oo aan ka gelaayo dhamaystirka dastuurka.

“Dastuurka ayay ku cadahay cidda go’aanka wax ka beddelka iyo hore u socodsiintiisa iska leh. Sanad aan dastuurka laga shaqeynayn ma jirin, oo dastuurkan mashruuc ayuu ahaan jiray oo malaayiin ayaa ku bixi jirtay oo dibadda ayaa lagaga soo shaqey jiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in uu soo dhawynaayo aragtiyaha kala duwan laakiin aanu sinaba u aqbali karin in la yiraahdo dastuurka dib haloo dhigo oo baarlamaanka danbe haloo daayo. Wuxuu si ba’an u weeraray qaabka doorasho ee dalku geli jirey, waxaana uu wacad ku marey in qaabkii hore mid lamid ah aysan dalka ka dhici doonin.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo u jawaabaya Madaxweynayaashii hore ee ka soo horjeeda nidaamka lagu wado dastuurka oo qaarkood Xildhibaano yihiin ayaa yiri:

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyntii Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa yiri waxaan ka shaqeyneynaa dastuurka iyo doorashada soo socota sida ay u dhacayso oo dastuurku sheegaayo iyada oo sanadkii labaad aan weli ku jirno 15 May 2026 waxaa dhacaysa doorashadii dalka, kumana dhici doonto sidii ay u dhici jirtey waxay ku dhacaysaa sida dastuurku qabo.

Khudbadda Madaxweyne Xasan ka jeediyey minbarka masaajidka ayaa imaaneysa iyada oo labadii Madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo ay marti u yihiin Madaxweyne Deniga Puntland halkaas oo wadahadal ku aadan siyaasahaha socda ay uga arrinsanayaan.

Horseed Media