Xasuuqa Gaza: Khasaarihii ugu danbeeyey ee duqeymaha Bartamaha & Koonfurta Qaza

Published: December 9, 2023

Ugu yaraan 133 qof ayaa lagu dilay weerarrada xooggan ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen marinka Qaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza maanta Sabti ah.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “259 kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen duqeynta Israel 24-kii saac ee la soo dhaafay.”

Sida lagu sheegay bayaanka, “71 meydad ah iyo 160 dhaawac ah ayaa soo gaaray cisbitaalka Al-Aqsa ee Deir Al-Balah, bartamaha marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

“62 meydad ah iyo 99 dhaawac ah ayaa soo gaaray xarunta caafimaadka ee Nasser Medical Complex ee koonfurta Marinka Gaza, taasoo ka dhalatay weerarrada joogtada ah ee Israel.”

Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku hayso Marinka Gaza 1-dii Disembar kaddib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo uu hakad ku jiray dagaalka ay kula jirto Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 17,487 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 46,480 kalena waa lagu dhaawacay weerarro cir iyo dhul oo aan kala joogsi lahayn oo lagu qaaday deegaankaas tan iyo 7-dii Oct. ka dib weerar xudduuddeed oo ay qaadeen Xamaas.

Horseed Media